Sidee Loo abuuraa Ganacsi Guuleysta? “Qeybtii Labaad”
Waa
qaybtii labaad ee barnaamijkii aynu ugu magacdaray sidee loo abuuraa ganacsi
guulaysan kara.

Halkan
waxaynu ku soo gudbin doonaa qaybta labaad oo u baahan in lagu qoro marka la
diyaarinaayo nidaaminta ganacsiga (business planning). Marka aynu dhamayno
waxaynu samayn doonaa tusaale (sample) business plan si qof waliba u fahmo.
Fadlan
qofkii aan akhrisan qaybtii hore waxa laga yaabaa in fahamka qabtani ay ku
adkaato markaa ku noqo qaybtii hore isla websitekan.
Waxyaalaha
u baahan in la ogaado inta aan shirkaddu badeecad ama adeeg soo saarin:
Waa
maxay baahida dhabta ah ee hadda ka jirta suuqa aad higsanayso (current demand
in the target market)? Waa in aad ogaataa in baahi ka jirto suuqa aad galayso,
waayo macaamiishu waxa ay marka hore ku xidhnaayeen shirkaddo kale, markaa waa
maxay sababta ay ugu baahan yihiin in ay shirkaddan cusub kusoo biiraan,
dhinacyo badan ka fiiri baahida.
Waa
maxay xajmiga saxda ah ee suuqa aad rabto in ay shirkaddan cusubi ka shaqayso
(size of market)? Badanaa suuqyada dhaqaalaha badan laga helaa waa suuqyada
dadkoodu ay aadka u badan yihiin (more populated). Markaa waa in aad ogaataa
xajmiga suuqaagu inta uu noqon karo.
Boqolkiiba
meeqa ayaad suuqa ku yeelan kartaa (tani waa muhiim haddii aad si dhab ah uga
fakirayso in aad noqoto mid ku guulaytsa suuqa)?
Muxuu
yahay isbedelka ku imaan kara suuqa aad ku fakirayso, intee in leeg ayuu suuqu
isbedeli karaa isla markaa horumar intee leeg ayaad badeecada ama adeega
ku samayn kartaa?
Muxuu
yahay koboca imaan karaa (potential growth)?
Maxay
yihiin xanibaadaha kaa hor imaan kara markaad suuqa galayso (market entry
barriers), maadaama aad shirkadd cusub tahay?. Tusaale ahaan waxyaalaha kaa hor
imaan kara waxaa ka mid ah:
Kharashka
daraasaadka suuq-gaynta oo bata (high marketing cost)
Kharash
badan oo loo baahdo (high capital cost)
Kharashka
tacab soo saarka oo aad u bata (high production cost)
Macaamiisha
oo u baahan in ay ku bartaan (consumer acceptance and brand recognition)
Shirkadoo
u baahata dad tababar iyo xir fad leh (training and skills)
Kharashka
lagu raraayo oo sareeya (shipping costs)
Cashuuraadka
(tariff)
Sharciyada
dawladda (legal authority)
Iyo
dabcan sidii aad uga gudbi lahayd xanibaadaha kaa hor yimaada
Side
ayay waxyaalahan soo socdaa u saamayn karaan shirkadda cusub helida
jawaabahoodu waxa ay kaa caawinaysaa in aad dhinac walba ka eegto ganacsigan
cusub ee aad furaysaa si aad u ogaato waxyaalaha kugu soo fool leh:
Haddii
isbedel ku yimaado ganacsiga (change in the business).
Haddii
is bedel ku yimaado qalabka farsamada (change in technology)
Haddii
is bedel ku yimado sharciyada dawlada (change in government regulations)
Hadii
isbedel ku yimaado xaga dhaqaalaha (change in the economy)
Badeecada
(products):
Qaybtan
waxaa laga rabaa shirkaddu in ay si cad u sharaxdo badeecadaha iyo adeegyada ay
samaynayso. Weliba waa in shirkaddu qeexdaa ayadoo toos ula hadlaysa macmiisha.
Waxaad
taxdaa dhamaan alaabta aad rabto in aad iibiso oo dhan.
Mid
walbana si cad u sheeg faaiidada uu leeyahay iyo weliba waxyaalaha dheeriga uu
layahay. (describe the most important features and benefits).
Waana
in aad sheegtaa haddii lagaa iibsado waxyaalaha aad qofka aad siinayso, tusaale
ahaan in aad alaabta halkuu doonayo aad u geyso (delivery), in aad siiso
damaanad (warranty), taakulayn dheeri ah (support) iyo in lacagtisii loo celin
karo haddii loo baahdo (refund policy).
Macaamiisha
(customers):
Waa
in shirkaddu si buuxda u aqoonsataa macaamiisha ay beegsanyso (target
customers). Dabeecadahooda (characteristics), iyo weliba halka ay degan yihiin.
Haddii
shirkaddu ay macaamiisheedu aanay ahayn koox gaar ah, waxaa lama huran ah in
aad sheegto kooxda ugu sii muhiimsan haddii ay tahay da’da (age), lab ama
dhedig (gender), meesha uu degan yahay (location), awoodiisa dhaqaale (income
level), bulshada halka uu kaga jiro iyo shaqadiisa (social class and occupation),
waxbarashadiisa (education) iyo wixii kale ee shirkaddu u baahataba.
Loollanka
(competition):
Shirkaddu
waa in ay halkan ku qeexdaa shirkadaha haya badeecadaha ama adeegayada ay hayso
oo kale.
Waa
in halkan lagu taxaa shirkadaha kula loolami kara magacyadooda iyo ciwaankooda:
Waa
in shirkaddu is waydiisaa in shirkadaha kale ay si buuxda ula tartami karaan
iyo in kale mise qaybo gaar ah ayuunbay kala tartami karaan; tusaale ahaan ma
badeeco ama adeeg gaar ah ayuunbay kula tartami karaan, mise dhinac walba sida
macaamiisha, deegaanka iwm.
Waa
in ay shirkadda u cadahay tartamayaasha tooska ah iyo kuwa aan tooska ahanba
(direct and indirect competitors).
Side
bay badeecadaadu ama adeegaagu ula tartami karaa shirkadaha kale marka aad is
bar bar dhigto.
Samee
shax ay ku cad yihiin meelaha ay shirkaddadu ku
Xoogan
tahay (strength) iyo meelaha ay ku liidato (weakness).
Sixirka
badeecada ama adeega (pricing) barbar dhig kuwa shirkadaha kale.
Tayada
wax soo saarka (quality) tayada badeecdaha shirkaddaha kale ma ka fiican yihiin
kuwa shirkaddada.
Reliability
(la isku halayn karo) barbar dhig kuwa shirkaddaha kale, isku halayn intee leeg
ayay leeyihiin.
Reputation
(Sumcadda) intee leeg ayay shirkaddahani leeyihiin, barbardhig shirkaddada
Visual
aspect (Muuqaalka) waa sidee muuqaalka shirkadaha kale, barbardhig shirkaddada
Location
(Goobta) goobaha ay ku yaalaan shirkaddaha kale ma ka fiican yihiin meesha ay
shirkaddadu ku taalo. barbardhig shirkaddada
Advertising
(xayaysiinta) shirkaddaha kale ma kaa xayaysiin fiican yihiin, barbardhig
shirkaddada
Qor
qoraal kooban oo aad ku sharaxayso shirkadaha kula loollamaya faaiidooyinkooda
(advantages) ay leeyihiin iyo weliba faaiido-darada ay leeyihiin
(disadvantages).
Niche
(abbaarid):
Hadda
waxaad si buuxda u ogaatay xaalada shirkaddada, badeecaddada, macaamiishada,
iyo weliba cidda kula loollamaysa, waa in aad fahamtaa sawirka saxda ah ee
shirakaddadu meesha ay adduunka ka galayso.
Fadlan
qoraal kooban ku qeex meesha aad wax ka abbaarayso, iyo weliba dhinaca gaarka
ah ee aad suuqa ka galayso.
Strategy
(xeelad):
Hada
muuji xeeladdaada suuq-gayn (marketing strategy) adigoo si gaar ah u raacaya
warbixinihii aad soo uruursatay.
Promotion
(dhiirigelin):
iminka
sidee ayaad macaamiisha ku gaadhsiinaysaa farriintaada?
Advertising
(xayaysiin): warbaahintee ayaad isticmaalaysaa? Sababtu maxay tahay aad u
isticmaalaysaa?, meeqa goor ayaad isticmaalaysaa?
Ma
isku dayday in aad hesho meelaha ugu qiimaha jaban ee aad ka heli karto qiimo
wax ka dhima dhaqaalihii aad ugu talo gashay in aad fariinta ku gaadhsiiso
dadka.
Sheeg
haddii ay jiraan waddooyin kale oo aad farriintaada ku gudbin kartid tusaale
ahaan, in aad samayso bandhig ganacsi (trade fair), catalogue (diiwaan haye),
in aad afka ku gaadhsiiso dadka (word of mouth) ama cid kale oo xirafd u leh
waxani in ay kuu gudbiyaan farriintaada.
Sawir
noocee ah ayaad rabtaa in aad u muuqato? Sidee rabtaa in aad macaamiishaada ula
muuqato?
Marka
laga yimaado xayaysiinta warbaahinta maxaa kale ee aad ku taageeraysaa
muuqaalka shirkadda tusaale ahaan samaynta astaanta shirkadda (logo design),
brochures (buugaag yayyar oo xayaysiineed, signage (calaamado ama
summado), iyo muuqaalka gudaha shirkadda haddiiba ay kusoo booqdaan
macaamiishu.
Ma
leedahay nidaam aad macaamiishada kula xidhiidho amaba aad marwalba uga war
hayso?
Promotional
Budget (miisaaniyadda xayaysiinta):
Dhaqaale
intee leeg ayaad ugu talo gashay waxyaalaha aynu kor kusoo xusnay?
Inta
aanad bilaabin (lacagtani waxa ay galaysaa miisaaniyada lagu bilaabayo)(start
up budget.)
Marka
ay shirkaddu socoto (lacagatani waxa ay galaysaa miisaaniyada lacagta lagu
shaqaynaayo) (operating plan budget.)
Pricing
(sixir goyn):
Halkan
waxaad ku faah faahisaa sida aad u rabto in aad u dejiso qiimaha sixirka
badeecada ama adeega (price setting.), inta badan shirkaddaha yaryar uma fiicna
in ay sixirka ugu hooseeya ay wax ku iibiyaan ay tahay arinta kelya ee saxda
ah. Qiimaha hooseeyaa waxa uu kaa yaray nayaa faa’iidadii aad heli lahayd
(profit margin.)
Macaamiisha
waxa suurto gal ah in aanay kaba fekirin sixirka hooseeya ee aad adigu ka
fakirayso. Waxaana dhici karta in shirkado waaweyni ay suuqa kugu jebiyaan
kedibna aad la tartami kari weydo. Badanaa waxaa fiican in sixir macquul ah aad
wax ku iibiso kuna dedaasho tayada iyo adeega aad bixinayso.
Qaabka
aad sixirka u dejisay sidee u muuqdaa markaad barbar dhigto shirkadaha kale ee
tartanka kugula jira.
Barbar
dhig qiimaha sixirkaaga kuwa shirkadaha kale ee kula loolamaaya. Sixirka
qiimahoodu ma ka sareeyaa sixirkaaga, makaa hoseeyaa, ma la midbaa? Sababtuse
maxay tahay?
Proposed
Location (goobta shaqada.)
Waxa
laga yaabaa in aanay weli shirkaddu cayiman goob gaar ah. Hada waxa la
gaadhay waqtigii shirkadu ay ka fakiri lahayd waxa ay rabto shirkaddu iyo
meesha ay ka rabto. Shirkado badan ayaa marka ay bilawga yihiin isticmala
guryahooda in muddo ah.
Halkan
si kooban ugu sharax qorshahaaga goobta aad ku ganacsanayso maadaama ay
saamaynayso maacaamiishaada.
Goobta
aad ku ganacsanysaa muhiim miyay u tahay macaamiishaada? Haddii ay u tahay haa,
sidee ayay ugu tahay?
Haddii
ay macaamiishu yimaadaan goobtaada ganacsi:
Matahay
meel ku haboon macaamiisha (suitable for customers)? Ma leedahay meel la dhigo
baabuurta (parking)?, mise waa meel waddooyinka muhiimka ah ka baxsan.
Sawirkaagii
maxay ka badashay?
Ma
tahay meel macaamiishu rabaan ama ay rajaynayaan in ay yimaadaan?
Halkee
ayay degan yihiin shirkaddaha kula loolamayaa? Miyay habboon tahay in aad ku
dhawaato ama ka fogaato
Distribution
channels (dariiqyada aad wax ku gaadhsiinayso):
Sidee
ayaad u iibinaysaa badeecadda ama addeega shirkadda?
Ma
tafaariiq (retail), Jummlad (wholesale), wakiilo (agents), wakiilo madaxbanaan
(independent representatives).
Sales
forecast (saadaasha iibka):
Hadda
waxan soo sheegnay si kooban usoo sharaxnay badeecada, adeegyada, suuqgeynta
iyo qorshaha lagu dhaqaayo shirkadda.
Waxaa
haboon in halkan lagu sameeyo laba saadaalood (two forecasts):
Qiyaasta
ufiican (Best guess); taas oo ah waxa runta ah ee aad rajaynayso.
Qaddiyada
u xun (worst case); qiyaasta u hoosaysa ee aad ku kal soonaan karto in
aad gaadhi karto wax waliba ha dhacaane.
Qorshaha
lagu shaqaynaayo (operational plan):
Sharrax
shaqo maalmeedka maalin walba ee shirkadda, goobta ganacsiga, qalabaynta,
dadka, geedi socodka iyo degaanada ku xeeran.
Production
(tacab-soo-saar):
Sidee
iyo meeshee laga soo saarayaa badeecaddaada ama adeegaaga?
Sharrax
hannaan socodka shirkadda sida:
Dhawrida
qalabka shirkadda (inventory control)
Horumarinta
badeecadda (product development)
Farsamada
tacab-soo-saarka iyo qiimahooda (production techniques and costs)
Tayo-dhawrka
(quality control)
Adeega
macaamiisha (customer services)
Location
(goobta):
Meel
noocee ah ayaad uga baahan tahay goobta ganacsiga? Si fiican u qeex nooca
goobta ganacsi ee aad rabto.
Muuqaalka
looga baahan yahay goobta ganacsiga (physical requirements):
Nooca
dhismaha loo baahan yahay (type of building).
Boos
intee leeg ayaa loo baahan yahay in ay goobtu ganacsigu yeelato (amount space).
Seerayn
(zoning).
Malaga
helayaa goobtaas korontada iyo biyaha (power and utility).
Jidka
loo marayo goobta ganacsiga (access):
Waxaa
muhiim ah in goobta aad ka samaynayso ganacsigu ay ku habboon tahay gaaddiidka
iyo cidka keenaysa badeecada (suppliers).
Miyaad
u baahantahay in meel si fudud loo soo mari karo aad samayso (easy walk-in access)?
Maxay
tahay baahida shirkaddani u qabto in loo sameeyo meelo la dhigo baabuurta
ama meel u dhaw wadooyinka waaweyn, garoonada dayaaradaha, meelaha tareenada
iyo gaadiidka sida xamuulka.
Construction
(dhismo)? Badanaa shirkaddaha cusubi iskuma mashquuliyaan in ay dhisaan
dhismayaal cusub, laakiin haddii aad qorshaynaysaan in aad dhistaan dhismayaal
cusub waa in lagu talo galaa kharashka loo baahan yahay.
Cost:
waa in shirkaddu qiyaastaa kharashka ku baxaaya dhismaha ay degayso, taas oo ay
ku jirto kirada, dayactirka dhismayaasha, caymiska, kharashka lagu qurxinaayo
meesha si meeshu u noqoto meel ku habboon ganacsi soona jiidata macaamiisha.
Halkan
waxa kale oo aad ku sharraxdaa saacdaha shaqada, maalamaha fasax yada, samee
shax aad u muuqan karta.
Sharciga
degaanka (legal environment):
Sharrax
ka bixi waxyaalahan soo socda:
Ruqsad
(licence), sidee loo helayaa ruqsad aad ku shaqayso
Permits
(ogolaanshaha in aad ka shaqayn karto, waxaa loo jeedaa in wadanka aad ka
shaqaynaysaa kuu ogolyahay in aad ka shaqaysato wadanka ).
Caafimaadka
goobta laga shaqaynaayo (hygiene and sanitation of the premises and the area)
sharciyada
deegaanka (environmental regulations)
Caymis
ku jirid (insurance coverage)
Trademarks
(summada ganacsiga), copyright (xuquuqda daabacadda) and etc
No comments:
Post a Comment