Thursday, November 24, 2016

QAYLO DHAAN

waxaan a u qaylo dhaaminayaa dhamaan Ardada, Shaqaalaha iyo macalimiinta soomaaliyeed......dadkii waa dabargo'ayaa naf iyo moodba cid u maqan ama iska xilsaaraysaana ma jirto, abaar ayaa laysay wixii noolna waxa ay billaabeen inay isdilaan ka dib markii ay quusteen maadaama ay niyadda ku qabteen haddii xoolihii ka baaba'een inaan cid u maqan iyo ceel u qodan aaday waxaa ka dambeeyaana waa xilligii Jiidaalka ama Diraacda oo ah xilli soomaaliya oo dha qalayl iyo roob la'aantahay, inkasta oo roobdoonta la sameeyay ilaahay uu naga aqbalay meelo badan hadana ilaahay waanna tijaabinayaa bal sidaan iskugu gurmano, kuwa sabra oo allah qadartiisa ku qanca وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِنَ الْخَوْفِ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِنَ الْأَمْوَالِ وَالْأَنْفُسِ وَالثَّمَرَاتِ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ . الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُمْ مُصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ . أُولَئِكَ عَلَيْهِمْ صَلَوَاتٌ مِنْ رَبِّهِمْ وَرَحْمَةٌ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُهْتَدُونَ iyo kuwa quusta oo adduunyadaan dhibaatadeedu la waynaato, sidoo kale kuwa naxariista oo haddii wax kale ay waayaan dadka u qaylo dhaamiya iyo kuwa guryahooda dharagta la jiifa ee aan dariskooda ka warqabin, adduunka waa nin walbaa waxa uu ergado/amaashado aakhirana xisaab baa taal, dadkaas dhibaataysan maantoo kale waxa ay ahayd in ay jirto dowlad xeryo u ooda diyaaradana ku soo daabusha, haddii ay wayeen, bulsho abaabulan oo gurmad u soo fidisa haddii ay waayeen, hay'ado caalamka uga soo gurmada, haddii ay waayeen...??!!!!!!!!! aqoonyahanada soomaaliyeed waa maantoo kale marka ay wax tarayso waxa aad soo barateen kii caafimaad bartay kii dhaqaale bartay kii diini bartay kii waxkale bartaba maantookale waxaa kala baxa kii calooshiisa inuu buuxsho wax u bartay iyo kii inuu dadkiisa caawiyo wax u bartay, Lacagta bareega u soo aruuriya walaalihiina dhiban, mushaarkiina $1 ka jara, haddaa wax kale waysaan dadka gaarsiiya kuna booriya inay dadkaas dhibaatasan caawiyaan الدال على الخير كفاعله Go'aan qaadasho adag ayay rabtaa iyo damiir damqanaya.................u gurmada dadka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan meelkasta oo ka tirsan dhulka soomaaliyeed adoon qofna abaal uga rabin alaah maahane..إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا
midna aysan jirin, waxa la filayay in bisha October ilaa iyo December uu roobka Dayrta uu da'o lkn waa yar






No comments: